Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ku yaala bariga magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.
Howlgalkaan ayey ciidamadu ka fuliyeen deegaanada kala ah Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor iyo Garas oo ah dhamaantood deegaano hoostaga Bariga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Abaanduulaha guutada 9-aad, Dhame Cilmi Aadan Isaaq oo hoggaaminaayay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgalka xubno ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay goobaha ay ku dhuumaaleysanaayeen.
abaanduulaha ma cadayn tirade rasmiga ah ee qasaaraha uu dagaalku sababay