Puntland oo Daacish Badan ku leysan buuraleeyda Gobolka Bari

Wararka naa soo gaaraya ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Puntland ciidamadeeda ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen maleeshiyaadka Daacish oo haraadigoodu ku dhuumaalaysanayo buuraleyda Calmiskaad halkaasoo ay ku laayeen tiro badan oo ka mid ah dagaalyahanada Daachista.

Afhayeenka ciidamada Puntland Jen. Maxamuud Faadhigo ayaa sheegay in 65-ka tirsan argagixisada Daacish la dilay inta la arkay, isagoo xusay inay jiri karaan tiro kale oo ciidamadu aysan arkin.

Waxa uu sheegay in tallaabadan ay muujinayso sida jab weyn loo gaarsiiyey maleeshiyaadka Daacish, islamarkaana ciidamadu ay sii wadaan baacsiga haraadigooda.

Arintan ayaa imaaneysa ayadoo uu dhowaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in la qaadayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah daacishta ka dagaalanta Gobolka Bari goor sii horeysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *