Mustaf Dhuxulow oo xilka wareegay

(Wargeysa.net/Muqdisho) Mustaf Sheikh Ali (Dhuxuloow), Agaasimaha dhowaan la magaacabay ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa la wareegay xilka ka dib xaflad lagu qabty xarunta hey’adda ee magaalada Muqdisho.

Madax kala duwan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Raysal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka soo qeyb galay xaflada xilwareejinta maanta, 18 December 2024.

Raysal Wasaaraha oo ka hadlay xilwareejinta in hoggaanka cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay ummadda Soomaaliyeed ka sugeyso sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida maanta.

“Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta hay’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hay’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray: “Hay’adda waa halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waana mid looga fadhiyo inay sameysi horumar ballaaran.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey.

Sidoo kale wuxuu agaasimaha cusub ee xilka la wareegay kula dardaarmay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hay’addu bixiso, gaar ahaan sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *