Suuqa ugu weeyn Soomaaliya oo xiran maalintii sadexaad

Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa maalintii saddexaad xiran manta oo ay taarikhdu tahay 10 Febraayo 2025, kadib markii ay ganacsatada ka gadoodeen canshuuro dheeri ah oo ay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ku soo rogtay.

Ganacsatada suuqan oo si weyn uga cawday lacago toban nuuc ah oo iskugu jira canshuur iyo adeegyo dowladeed iyo hay’ado amni, wasaarado iyo gobolka ayaa sheegay inay howl maalmeedkoda ka wadan la’ayihiin doowlada federaalka ah ee Soomaliyed.

Ganacsatada oo soo saaray war-saxafadeed cabasho ah ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay ballan ka bax ku sameysaya ganacsatada in ka badan laba mar, ayna ku saayidisay lacago dheeri ah oo loo xiray shaqsiyaad shaarka dowladda gashan, sida lagu yiri qoraalka.

“Ganacsatada waxaa looga baxay balamihii ee laga qaaday ee ahaa in culeyska ganacsatada gobolka Banaadir saaran iyo shaqsiyaadka shaarka dowladda gashan ee lacagaha baada ah ka qaata ganacsatada laga dulqaado kuwaasi oo waxba ka fulin,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Ganacsatada gobolka Banaadir.

Sidoo kale ganacsatada ayaa madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta cabashada soo noq-noqotay, taas oo salka ku haysa shaqsiyaad macaash doon ah oo shaarka dowladda adeegsanaya.

Waxa kale oo ay tilmaameen in maalin kasta la handado, islamarkaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyagoo la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda.

Xirnaashaha suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho maalintii saddexaad ayaa ku yimid go’aanka ganacsatada oo sheegay inay ka shaqeysan waayeen dowladda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xirnaashaha suuqa Bakaaro ayaa iska dhago tirtay cabashada ganacsatada, iyadoo ka hortimid shaqo joojinta ay sameeyeen ganacsatada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *