Muqdisho oo aan maalintii labaad qaad la keenin

Sida laga soo xigtay ganacsatada qaadka iibisa iyo kuwa soo dejiyaba manta oo ay taariikhdu tahay 9 Febaraayo 2025, wax qaadka ah lama kenin magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Arinta ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka ka ganacsada oo nolol maalmeedkooda ka raadsada iibinta qaadka.

Waxaana ay Ganacsatada miisleyda qaadka ay Shabelle u sheegen in ay iibinayeen Qaad magaciisa ay inoogu sheegeen Baarixi oo ah mid maalmo ka hor u yiilay

Arintana yaa imaaneysa marka uu qilaaf ka dhex dhashay ganacsata jeeb weeynta ah ee qaadka soo dejisa iyo tafaariiq ahaanta uga iibiya macaamiisha isticmaasha qaadka ee magaalada Muqdisho, caasimadda Dalka Soomaaliya, sida ay uu ogaaday Wargeyska Media Network.

Caqabadaasi oo ah in dhaqaalo xad dhaaf ah qaadka ay kaga qaataan Marka uu yimaado garoonka Ragga Lasoo dagana ay Beeraha Qaadka Kenya kaga soo qaataan Qiimo aad u yar.

Macluumaad kale oo aan helnay ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf aan shaacsanen oo u dhexeeya labada dowladod ee Kenya iyo Soomaaliya taasi hakisay duulimaadyad qaadka Ee loo soo daabulo Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *