Dhadhaab, Kenya – Tan iyo markii la aasaasay xeryaha qaxootiga Dhadhaab sanadkii 1991, waxay hoy u noqdeen in ka badan nus milyan qaxooti ah oo kasoo cararay colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Geeska Afrika. Xeryahaas oo kala ah Dagahaley, Ifo, Ifo 2 iyo Hagadera, ayaa muddo dheer la tacaalayey duruuf nololeed adag. Si kastaba, saddexdii sano ee la soo dhaafay, xaaladda ayaa kasii dartay, iyadoo adeegyada aasaasiga ah ay si isa soo taraysa hoos ugu dhaceen.
Qaxootiga ku nool Dhadhaab waxay si buuxda ugu tiirsan yihiin gargaarka hay’adaha samafalka oo bixiya adeegyada muhiimka ah sida biyo nadiif ah, raashin iyo guno lacageed oo lagu magacaabo Bamba Chakula — taasoo ah lacag dhan 500 shilin oo Kenya ah (qiyaastii $5) oo bil walba lagu taageero qoysaska nugul.
Gargaarka oo Hoos U Dhacay iyo Biyo La’aan Soo Wajahday
Bishii Janaayo ee sanadkan 2025, xaaladda ayaa si weyn u liidatay kaddib markii hay’adaha gargaarka ay bilaabeen dhimista adeegyada aasaasiga ah sababo la xiriira miisaaniyad xumo. Hay’adda Peace Winds Japan, oo ah hay’adda ugu weyn ee bixisa adeegyada biyo-gelinta xeryaha Dhadhaab, ayaa shaacisay in ay joojinayso hawlihii ay ku bixin jirtay biyaha nadiifta ah. Sababta ugu weyn, ayay sheegtay, waa shidaal la’aan baahsan oo keentay in qaar ka mid ah tuubooyinkii biyaha ay jabiyaan ama aan la dayactirin gabi ahaanba.
Raashin yaraan iyo Nafaqo-xumo Soo Food Saartay
Dhanka cunto-qaybinta, raashiinkii loo qaybin jiray qaxootiga ayaa hoos u dhacay si aan horay loo arag, iyadoo la dhimay in ka badan kala bar wixii horay loo bixin jiray. Qoysas badan ayaa hadda helaya kaliya 40% cunto ah marka loo eego heerarkii hore, taasoo si weyn u xumeysay heerka nafaqada, gaar ahaan carruurta, dadka da’da ah iyo hooyooyinka nuujinaya.
Bamba Chakula oo Hakad Galay
Guno lacageed ee Bamba Chakula, oo ahayd tiir kale oo muhiim u ahaa maaraynta nolol maalmeedka qoysaska qaxootiga ah, ayaan la bixin muddo laba bilood ah. Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa xaqiijisay in hakadkaasi uu sababay dhaqaale xumo baahsan oo haysta hay’adda, taasoo ka dhalatay hakad ku yimid kaalmadii deeqda Mareykanka, gaar ahaan tan ay bixin jirtay hay’adda USAID. Sababta hakadka, ayay hay’addu sheegtay, waxa ay la xiriirtaa isbeddel siyaasadeed oo dhacay kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu markale xafiiska la wareegay horraantii sanadkan.
Bulshada Qaxootiga oo Baaq u Diraysa Caalamka
Wakhtigan adag, bulshada qaxootiga ah ee ku sugan Dhadhaab waxay si adag u dareemayaan culeyska nolosha iyo hoos u dhaca adeegyada aasaasiga ah. Waxay cod dheer ugu baaqayaan beesha caalamka, gaar ahaan deeq-bixiyeyaasha dhaqaalaha, in ay dib u eegaan xaaladdooda oo ay si degdeg ah u keenaan taageero joogto ah si looga hortago musiibo bani’aadanimo oo hor leh.
Xeryaha Dhadhaab oo markii hore loogu talagalay xal ku-meel-gaar ah, ayaa hadda noqday hoy rasmi u eg, balse ay duruufaha adag iyo daryeel la’aanta sii xumeynayaan. Marka loo eego digniinta hay’adaha samafalka, haddii aan wax laga beddelin xaaladda hadda jirta, waxay halis ugu jiraan in malaayiin qaxooti ah ay wajahaan macluul iyo dhibaatooyin kale oo ba’an.